Markii ay taariikhdu ahayd 09/10/2025, waxaan xafiiskayga Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Dowladda Ingiriiska, Mudane Christopher Pycroft, oo ay wehelinayeen Marwo Tatiana Fernandes, Lataliyaha Xafiiska FCDO ee Somaliland, iyo saraakiil kale oo ka socda xafiiskaas. Kulanka waxaa igu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Maxamed.
Intii uu kulanku socday, waxa aanu si qoto dheer uga wadahadalnay mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Ingiriisku ka taageerto Somaliland, sidii loo xoojin lahaa loona dardargelin lahaa hirgelintooda, iyo guud ahaan kor u qaadista iskaashiga labada dal ee dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo qorshayaasha ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III).
Ugu dambayn, waxaan uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Somaliland, iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Iskaashi iyo Horumar Waara — Waa Saldhigga Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Kaltuun Sh Xasan Cabdi
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka






