
Waa xuskii 18ka May ee Somaliland. Waa maalintii qaranka. Waa maalintii xoriyada dib loo helay oo uu Eebe inagu simay iyada oo 34 jirsatay ee Abshir dhaha umadeey.
Waxa aan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogto leeyahay hambalyo.
Waxa aan shacabka reer Somaliland mar kale ku guubaabinayaa in ay amniga ilaashadaan oo ay la shaqeeyaan laamaha amniga iyaga oo markaas 18ka May ee 2025 u xusaya si wayn oo ay ka muuqato midnimo isla markaana fariin u diraysa dunida oo dhan una sheegaysa in Somaliland qadiyadedu u qalanto in la dhagaysto oo aan lagala masuugin ictiraafka ay mudan tahay.
Hambalyo reer Somaliland dhamaantiinba.
Siyaasi
Axmed Muumin Seed.






