Wefti uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Musharrax madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Maxamuud Cabdullaahi oo booqday Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama ayaa ku dhawaaqay in ay ku deeqeen 1 Mishiin oo ah kuwa Kelyaha sifeeya oo ay gaadhsiinayaan Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama.
Mishiinkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee xisbiga Kulmiye uu ku deeqo maalmo gudohood ka dib cabashadii ka soo baxday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.





