Waxgaraadka Reer Awdal oo Muujiyay Taageerada ay u Hayaan Cali Xaamud
Hargeysa(Qaran news)-Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Awdal ayaa muujiyay siday u garab taagan yihiin Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo u sharraxan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada oo doorashadiisu qabsoomayso Axadda Toddobaadkan.
Odayaasha reer Awdal waxay sheegeen inay Somaliland ku kala baran doonaan doorashada Cali Xaamud. Waxaanay bogaadiyeen xildhibaannada taageersan murrashaxa ka soo jeeda gobolkooda.
Waxgaradka reer Awdal waxay sheegeen inay ogyihiin guddoomiyeyaasha Ururrada siyaasadda qaarkood oo u diidan reer Awdal inay qabtaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen xildhibaanada reer Awdal inay u midoobaan doorashada Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil.
Sidoo kale waxay sheegeen in Sool aanay ka qaadayn kursiga, haseyeeshee ay iyagu iskaga tageen.