Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Karoline Leavitt ayaa la weydiiyay arrinta xabbad-joojinta Iran, waxayna sheegtay in wararka sheegaya in Maraykanku codsaday in si rasmi ah loo kordhiyo “aanay run ahayn”.

“Waxaan weli si buuxda ugu hawlan nahay wadahadalladan,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in wada wadahadalku yahay “mid wax ku ool ah oo weli socda”.

Marka laga hadlayo wararka sheegaya in la qorsheynayo wadahadallo fool-ka-fool ah, waxay tiri “wadahadalladaas way socdaan, balse wax rasmi ah ma aha ilaa aad naga maqashaan annaga Aqalka Cad”.

“Waxaan ku qanacsanahay rajada heshiis la gaaro,” ayay Leavitt tiri, iyadoo ku dartay in ay “danta ugu wanaagsan ee Iran ku jirto” inay aqbasho dalabaadka Trump, taasoo ay sheegtay inuu si “aad ah” u muujiyay.

Haddii wadahadallo dhacaan, waxay sheegtay inay “u badan tahay” in lagu qabto isla goobtii hore oo ah magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.