Weerar khasaare weyn dhaliyey oo lagu qaaday Xarun ganacsi oo ku taalla Puntland

Ugu yaraan hal ruux oo ilaalo ka ahaa xarunta ayaa ku geeriyooday weerar bam-gacmeed loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta shirkadda ganacsiga Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa dhaliyay dab xooggan oo ka kacay xarunta shirkadda kaas oo sababay khasaare kala duwan oo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Kooxdii weerarka fuliyay oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta ka baxsaday waxaana halkaas gaadhay ciidamo ka tirsan Booliska.