Waxaa soo baxaya warar la xiriira in ciidamada Milatariga Israa’iil ay dib u dhigayaan weeraro ay ku qaadi lahaayeen Koonfurta Iiraan, iyada oo weli la raadinayo xubinta shaqaalaha diyaarada lasoo riday ee Maraykanka ee weli maqan.

Waxaa dhanka kale qaraxyo culus ay ka dhaceen Bariga Tehran, sida ay sheegeen labo il oo xog-ogaal ah, sida uu sheegay wariyaha sare ee BBC Persian.

Saddex kal ayaa BBC u sheegay inay maqleen diyaarado dagaal oo hawada ku jira. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada magaalda la howlgaliyay.

Waxaa ay horay ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF u xaqiijiyeen mowjado kale oo weeraro ah oo ka dhacay Tehran.

Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay IDF sheegtay inay fulisay ‘’in ka badan 70 weerar’’ oo ka dhacay galbeedka iyo bartamaha Iiraan, kuwaas oo lagu beegsaday goobaha laga rido gantaallada ballasti-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Warar kale oo gaar ah ayaa sidoo kale sheegaya inay bilowdeen weeraro lagu qaaday qaybo kamid ah Beirut

Ciidamada IDF ayaa intaasi ku daray inay aqoonsadeen gantaallo laga soo tuuray Iiraan oo ku wajahnaa Israa’iil