Weerarrada cirka ee Maraykanka iyo Iiraan oo sii xoogaystay

Weerarrada cirka ee ay is weydaarsanayaan Maraykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii xoogaystay iyada oo Ilaalada Kacaanka ay bayaan ay soo saareen ku sheegtay in ay beegsadeen isla markaana ay joojiyeen markab kale oo marayay Marinka Hormuz, taasoo jawaab u ah weerarrada Mareykanka uu u geystay magaalooyinka ku yaalla koonfurta Iiraan.

Bayaanka ayaa lagu daray in “wajiga labaad ee aargudashada, gantaalaha ballistic-ga lagu beegsaday saldhigga cirka ee Mareykanka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha dagaalka iyo xaruntii taliska iyo xakamaynta.”