Weftigii South Africa oo Booqday Wasaaradda Warfaafinta
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta ku soo dhaweeyey weftigii ka socday dawlada Koonfur Afrika, kuwaas oo maalmahanba hawlo shaqo ku joogey dalka.
Weftigan booqday xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, waxa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Xidhiidhka Caalamiga ah ee xisbiga ANC, ahna wasiir ku-xigeenka Shirkadaha Dawladda Koonfur Afrika Mr. Obed Bapela.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa mid mid u soo mariyay weftigan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda warfaafinta iyo Idaacada Radiyo Hargeysa iyo kaydka taariikhda badan ee guunka ahi ku kaydsan yihiin.
Wasiirku oo warbixin ka siinaya weftiga taariikhda iyo kaydka Idaacada Qaranka ee Radio Hargeysa, ayaa sheegay in heeso iyo gabayo lagu taageeri jiray xilligi Midab takoorka bulshada Koonfur Afrika, ay yaalaan.
Waxaanu yidhi.“Haddii aanu nahay wasaaradda warfaafinta iyo Qaranka Somaliland-ba in xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ay nagu soo booqdeen kuna soo dhaweynay wefti ka socday dalka aynu walaalaha nahay ee Koonfur Afrika, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka ANC, ee arrimaha xidhiidhka caalamiga ah, ahna wasiir ku xigeen iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Koonfur Afrika, kuwaaso hawlo shaqo u joogay dalka maalmihii la soo dhaafay.
Waxa aanu soo tusnay taariikhda ku duugan wasaaradda warfaafinta iyo Idaacada Radio Hargeysa, iyo taariikhda guunka ah ee taalla Radio Hargeysa, sida Gabayada, heesaha, kuwa loogu helinayay midab takoorka bulshada Koonfur Afrika, iyo Gabayga caanka ah ee Nansel Mandela, ee 1979-kii kaas oo ay wada qiiroodeen bulshada Koonfur Afrika.”