Weriye Ilig oo Xoriyadiisii dib u helay maanta
Hargeysa(Qaran news)- Weriye Maxamed Cabdi Sheekh Ilig oo ah Guddoomiyaha Telefishanka MMTV, ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodijeex xoriyadiisii u soo celisay.
Wuxuu xidhnaa muddo 43 maalmood ah, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xoriyadiisii dib u helo iyada oo lagu waayay wax danbi ah oo maxkamadu ay sii daysay sidaasna uu xoriyadiisii ku helay isaga oo Ilahay u mahad naqay. Waxaanu u mahadceliyay bahda warbaahinta Somaliland
Xukuumadda ayey laf jab ku tahay inay suxufiyiin aan waxba galabsan muddo dheer xabsiga iskaga hayso.
Guddoomiye ilig waxa uu ka gaabsaday in uu wax intaa dhaafsiisan xiligani ka hadlo madaama uu in mudo ah uu xidhnaa.