Jimcihii aan soo dhaafnay oo ay taariikhdu ahayd labaatanka bisha October, xilli fiid ah waxaa ka dhacay magaalada Galkacyo dhacdo argagax leh, taas oo wiil yar oo 10 sano jir ah loogu gaystay dil iyo kufsi, sida ay noo sheegeen waalidkiis oo soo xiganaya isbitaal ay geeyeen maydka wiilkooda.

Xilli fiid ah ayuu willka yar ka soo baxay guriga walaashiis oo uu ku noolaa oo ku yaalay xero barakac oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, isaga oo doonayay inuu aado guriga eedadiis, sida uu noo sheegay adeerka wiilka.

“Dhawr iyo toban mitir ayay isku jiraan labada guri, dhexdaa laga qabtay,” ayuu BBC u sheegay adeerka wiilka.

Qoyska ayaa sheegay inay dareemeen maqnaashiyaha wiilka, kadibna ay bilaabeen inay baadi goobaan, iyaga oo ka raadinayay gudaha xerada, laakiin muddo ay ku jireen baaritaan kadib, waxay sheegeen inuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyaga oo ugu dambeyn qaatay go’aan ah inay iska jiiftaan maadaama uu roob da’ayay.

Markii uu baryay waagu ayuu sheegay adeerka wiilku in ay qoysku dib u bilaabeen baadi goobka wiilkooda iyaga oo isku qaybiyay laba kooxood, kuwa ay u dhaqaaqay dhinaca duurka, kooxda kalana waxay galeen magaalada.

Markii ay kala tagtageen dadkii…ayaa guriga agtiisa meel ah oo ay ilmuhu banooniga ku ciyaaraayeen la soo dhigay [maydka],” ayuu yiri adeerka wiilka. “Waxay ku rideen jawaan dhuxuleed ay ku qariyeen intay lugaha u laabeen”.

“Gabar aniga ila dhalatay, iyo mid aniga aan dhalay iyo gabar kale oo xaafadda dagan oo dadkii xaga magaalad u baxay ah ayaa jawaankii arkay. Tii aniga aan dhalay ayaa lugta ku dhufatay…jawaankii waa nuuxsan waayay…gabadhii aniga ila dhalataa ku foorarsatay, jawaanka ayay gees ka qabatay, saan hadey tiriba wiilka funaanadiisa ayay ku aragtay. Waan tan jooga ka dhacday,”.

Qoysku waxay sheegeen in boolisku ay soo gaareen goobta kadibna ay wareysi la yeesheen dadkii goobta joogay kadibna maydka wiilka waxaa loo qaady isbitaalka.

Dadkii gaystay falkaan ayay noo sheegeen in ilaa ay hadda aan gacan lagu hayn balse booliska ayaa qoyska u sheegay inay ku daba jiraan.

Maxaa ku dhacay wiilka?
Warqad ay soo saareen isbitaalka Guud ee magaalada Galkacyo, ayaa lagu sheegay in maydka wiilka uu dhuunta kaga yaalay nabar muujinaya ceego – si gooni ah xarig lagu ceejiyay. Sidoo kale waxay sheegeen in baaritaankooda ay ku ogaadeen in la kufsaday.

Sida ay noo sheegeen qoysku boolisk ayaa qaaday qaybo kamid ah dheecaanka wiilka, iyaga oo sheegay inay baaritaan ku sameun doonaan.

Sababta uu fal nuucaan ah ugu dhici karo wiilkooda ayay qoysku sheegeen in aysan marnaba suuraysan fahmi karin.

“Murugada nahaysa ilaaheey unbaa xisaabi kara…laakiin dad muslim ah ayaan nahay ilaaheey ayaan talo saaraneynaa,” ayuu yiri BBC u sheegay adeerka wiilka.

Dhanka kale qoysku waxy sheegeen in shalay ay aas u sameeyeen wiilka la dilay aderiis, oo murugadii hore ay midaan ugu sii darsoontay.

Wiilka yar ayaa ahaa rajay iyada oo ay hooyadiis dhimatay , waxaana loo keenay magaalada Galkacyo inuu la noolaado walaashiis oo degan xero barakac oo ku taalla magaalada.

Aabihiis ayay qoysku sheegeen inuu yahay oo waayeel oo ku nool yahay deegaanka Qalaafe.

ugu dambayn maanta ayay qoysku aaseen maydka wiilkooda, kadib hal maalin oo ay yaalay isbitaala baaritaanna lagu sameynayay.

Magaalada galkacyo ayaa horay waxaa uga dhacay falal kufsi oo aragagax lahaa, waxaa dad badan xasuustaan markii sidaan oo kale gabar 7 jir ah kufsi loo gaystay kadibna la dilay, iyada oo maydkeeda la helay markii dambe.

Dawlad goboleedka puntland ayaa mar dambe gacanta ku soo dhigay rag ay shegeen inay kufsiga geysteen, waxaana lagu xukumat dil toogasho ah.

Mid kamid ah waxyaabihii u fududeeyay inay gacanta ku soo dhigaan ragii kufsaday gabadha yar ayay boolisku ku sheegeen inuu ahaa baaritaanka DNA, kadib markii dheecaan laga qaaday maydka gabadha yar ee la kufsaday.

bbcsomali