
Lacag intee la eg ayaa la siiyaa cidda Koobka Adduunka ku guuleysata?
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.
Haddaba, sidee ayaa loo kala qaybiyaa abaalmarinnada?
Abaalgudka-qaab-ciyaareedka-ku-saleysan” Abaal-gudka qaab ciyaareedka ku saleysan
Kooxuhu mar kasta oo ay meel fog ka gaadhaan tartanka, waxay helayaan abaalmarin dhaqaale oo intaas ka badan.
Fifa waxay kooxaha ku dhammaysanaya boos kasta u kala abaalmarin doontaa sidatan
Guuleystayaasha (Koobka):$51m (£38m)
Kaalinta labaad:$34m (£25m)
Kaalinta 3-aad: $30m (£22m)





