“Xaaladda Dalku ku Jiro waxa lagaga bixi karaa Doorashooyin Wadar Ogol ah” Murrashax Cirro
Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xalka kaliya ee Somaliland ku badbaadi kartaa waa doorashooyin wadar oggol ah.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebookga, waxaanu u qornaa sidan:-
“Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu. Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hayโadda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan.
Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan.
Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta masโuulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!”