Markii Madaxweynihii aan dhisay uu keenay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xoojiyeyna awoodda difaaca cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland ay aqoonsi ka heshay dal leh awood nuclear ah oo miisaan istaraatiiji ah ku leh gobolka iyo caalamkaba, waxaan gaadhay go’aan ah in maanta Soomaalidu heshiin karto.

Xaaladda maanta jirtaa waxay si weyn uga duwan tahay tii hore.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow ula socotaa burburka aragtiyihii siyaasadeed ee muddada dheer ku dhisnaa humaag iyo dhalanteedka. Waxa sidoo kale maanta si cad u muuqata in dhinac waliba wajahayo natiijadii ka dhalatay siyaasaddii iyo jidkii uu doortay. Sida maahmaahdu dhigto, “Nin walba ceesaantii ceel keentay.”

Kuwii aaminsanaa in Somaliland lagu wiiqi karo arrinta Sool Bari, maanta waxay arkayaan Somaliland oo gaadhay aqoonsi caalami ah iyadoo Sool Bari maqan tahay. Waxay sidoo kale arkayaan siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo gaadhay meeqaan sare iyo awoodda difaaca qaranka oo si joogto ah u kobcaysa, gaar ahaan awoodda difaaca cirka.

Dhanka dhaqaalaha, Somaliland waxay leedahay mustaqbal rajo leh shanta sano ee soo socda, gaar ahaan marka la dhaqaajiyo heshiisyada Somaliland la leedahay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, lana horumariyo isku-xidhka dhaqaale iyo ganacsi ee Berbera iyo Itoobiya, oo ay ku jiraan fursadaha waaweyn ee kaabayaasha gaadiidka iyo jidka tareenka.

Waxaa taas barbar socda heshiisyada iyo fursadaha maalgashi ee dhinacyada macdanta iyo tamarta ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu hadda ka shaqaynayo intii uu ku guda jiro safarkiisa Maraykanka.

Somaliland maanta waxay u gudbaysaa marxalad cusub oo ku dhisan kalsooni siyaasadeed, awood difaac, koboc dhaqaale iyo diblomaasiyad sii ballaadhanaysa.

Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in maanta la gaadhay xilligii Soomaalidu nabad iyo heshiis ku wada noolaan lahayd, iyadoo dhinac kastaa aqbalayo xaqiiqada siyaasadeed, lana ixtiraamayo jiritaanka, xuduudaha iyo masiirka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Sultan Abdikarin