Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay

Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah.

Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan.

Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay masโ€™uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay.

Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb.

Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June.

Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan