Geela

Qaar kamid ah xoola dhaqatada ku nool deegaano ka tirsan gobolada Mudug, Ceyn iyo qaar kamid ah deegaanada dawlad deegaanka ayaa ka cabanaya xanuun ay sheegeen inuu ka laynayo xoolahooda.

Xoolaha ugu badan ee xanuunkan u le’anaya waa geela oo sida ay sheegeen dadka deeganadaas.

Jaamac Cali Siciid oo ku nool gobolka Doollo ee dawlad deegaanka ayaa BBC u sheegay in halkii xeraba ay maalintii ka dhimayaan abo ilaa afar neef oo geela, deegaanka uu ku nool yahay.

“Geelayaga waxaa ka bakhtiyey mudo 12 saacadood gudahooda laba neef oo geela. Dhawr maalin gudahaoodna ilaa tobban kale ayaa ka baxay geelayaga oo kaliya, waana wax kordhaya oo dhimashada ay kor u socoto, dadka degsiimooyinka aan la ood wadaaga nahay xitaa geelu si badan ayuu uga dhimanayaa” ayuu u sheegay BBC

geela

Cabdimajiid Cabdiweli Diirshe oo ah dhaqattar ku takhakhusay daweynta iyo qaliimada xoolaha oo ka hawlgala magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in ay ku baraarugeen in xanuunkaan uu ka jiro gobolka uu ku sugan yahay. Wuxuu xusay in xanuunkan uu markii labaad soo noqonaya oo sidaan oo kale horay ugu laayahay xoolaha, xilli ay jireen roobab sababay fatahaado.

“Xanuunka ku dhacaya xoolaha inta badan waxaa la arkaa xiliyada roobabka da’ayaan ama fatahadu dhacayaan,” ayuu yiir Dr Cabdiwali.

Soomaaliya ayaa ku jirta xaaladd daran oo ay sababeen fatahaad Elnino, kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan ruux halka ay ku barakaceen qoysas badan.

Horay ayaa looga digay in xilligaan oo kale ay dilaaci karaan xanuuno ka dhasha daadadka.

Wasaarada caafimaadka ee Puntland ayaa BBC u sheegtay inay ka warhayaan xanuunkaan, oo ay isku dayayaan inay ka daweeyaan xoolaha.

Wasiirka wasaaradaas Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in bagteeriyo loo yaqaano hyperthermia ayay sabab u tahay xanuunka, marar horana sidaas oo kale ay ku dhacday xoolaha.

XANUUNKA KU DHACAYA GEELA

Calaamadaha lagu arkayo Xoolaha.

Sida uu sheegay Jaamac Cali Siciid oo geeloodu ku dhacay xanuunkan,waxa xoolaha ku dhacaysa qandho daran oo mudo kooban haynaysa, kadibna neefk ayaa dhimanaya.

“Neefka xanuunka ay ku hayso qandhada waxaa ka dareemaysaa inuu xitaa la ilmaynayo, wuxuu joojinayaa daaqa, sidoo kale wuu ka harayaa xoolaha kadibna isla daqiiqado gudahood ayuu bakhtinayaa” ayuu yiri Jaamac.

Dr,Cabdimajiid ayaa xusay in xanuunkan ay markii ugu horeysay ku arkeen deegaano ka mida gobolka mudug gaar ahaan deegaanada Bursaalax iyo howdka Mudug sanadkii 2019-kii oo xoolo badana ay ka daweeyeen.

Dhaqtarka ayaa sheegay in xooluhu isku gudbinayaan xanuunka oo si xowli ahna ku fidiyo deegaano badan, maadamaa ay daaqa wadaagayaan ama xero ku wada xaraysan yihiin taasna ay tahay walwalka ugu badan ee xanuunka fiditaankiisa oo sii kordhaya.

Wuxuu intaa ku daray in wicitaano badan ka helo saacadkasta mid ka mida degaanada xanuunku ka jiro oo ay ka dalbanayaan inuu u daweeyo xoolaha oo si tarab taraba u dhimanaya.

Waxa kale oou sheegay in qaar kamid ah dadkii deegaanka ee cunay hilibka xoolahaas ay ku xanuunsadeen, oo ay shuban iyo matag ku soo boodeen.

Ma jirto tiro sugan oo ilaa hadda la ogyahay xoolaha uu dilay xanuunkan balse Jaamac Cali oo xoolihiisu ku dhaceen xanuunka ayaa xusay in inka badan boqol neef uu dilay xanuunkaan.