XASAANADDA SAXAAFADDU INTAY ILAALIN KARTAA WERIYAHA?.

Mihnadda saxaafaddu waxay leedahay halis faro badan oo ku xeeran weriyaha, waxa gala waqti farabadan oo dhaqaale iyo juhdi u baahan, ta ugu daran waxay leedahay cadaawad ummadeed ama qoomiyadeed cadaawad ganacsade cadaawad dawladeed ama qaybaha kala duwan ee bulshada uu ku dhex yeesho weriyuhu aan tusaaleeyo aniga oo soo koobaya halista weriyaha.
Wararka uu weriyu bulshada ka sheego qaar ayaa xasaasiya oo taabanaya shaqsiyaad awood ku dhex leh ummadda, qaar ayaa taabanaya culimada qaar ayaa taabanaya bilayska qaar ayaa taabanaya dalalka jaarka iwm.
Dhammaan cid waliba wixii ay dhibsato cadow ayuu ku yeelanayaa weriyuhu ay kellifayso in ay noloshiisa saamayn ku yeelato.
Haddaba yaa ka masuul ah inuu weriyuhu badbaado? Waxa ka masuul ah xasaanadda weriyaha dastuur ahaan dawladda oo xasaanaddooda masuul ka ah, waxa dhinac socota weriyuhu inuu ummadda dhawro si aanuu ciqaab u mudan.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






