Xasan Sheekh ooo ugu Baaq u diray Somaliland

Muqdisho(Qaran news)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ugu baaqay Somaliland inay mar kale u guntadaan sidii Soomaalidu u midoobi lahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula hadlay dadweyne tirada badan garoonka kubadda cagta Muqdisho, ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan ay leedahay uu yahay Alshabaab loona bahan yahay in laga wada qaybgalo sidii looga wada shaqeyn lahaa.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan isla markaanz horumar la jecel yihiin Somaliland.
“Somaliland waxaan leeyahay waan jecel nahay nabadiina iyo hourumarkiina. Midnimadana waxa 63 sanno ka hor keenay awowyaashiin , imikana waxa la idiinka baahan yahay inaad ka shaqeysaan midnimada,ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Geesta kale Madaxqeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa marar badan Soomaaliya ugu baaqay inay laabtooda ka jaraan inay Somaliland n
mar kale la midoobaan Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa madaxda Somalliland ay sheegaan in ay aqoonsi ay ka hesho caalamku uu saacidayo Soomaaliya isla markaana ay noqon doonaan lab waddan oo jaar ah oo isgarabsada.