Bismilahi
Maamulaha Villa Somalia
Xassan Sheikh
Oo u guntaday sidii Colaad lagu Hoobto Uu uga Ridi lahaa Geeska Africa si Uu ugu qariyo Jabka ka Soo gaadhay Dagaaladii Dalkiisa gudahiisa ka socday iyo Dildilaaca ku yimid Dalkii Uu Madaxweynaha u Ahaa Ee Somalia, iyo Shacabkii Dhulkaa ku Noolaa oo ku dhamaaday Qaraxyo Iyo Dil aanay garaneyn goor ay ka baxayaan.
Odey Xassan oo ay ka dhamaatay Balas-Balastii ayaa Maantana u Cararay Masar.
Hadaba isweydiintu waxay tahay hadii Uu shalay Dawlaha Qaarkood ka iibiyey Badda iyo Hawada Somalia iyo dhamaan kheyraadkii ku jiray muxuu Maanta Doonayaa in Uu ka iibiyo Masar si ay uga qaybgasho Dagaal Cusub oo Dadka Somalia intii Hadhay ay ku Hoobtaan.
Waxase Muuqata in Uu Dowlada Masarna ku Wareejinayo Labadii Wabi Ee Hadhay Juba Iyo Shabeele Maadaama ay Masaaridu ku wanaagSan tahay Wax Beerista si ay uga Soo kabato biyo yaraanta ka Soo wajaday Wabiga Nile
Waxaanse u Soo Jeedin lahaa Xassan sheikh Maamulaha Villa Somalia in Uu isdaba qabateeyo oo Uu ka waantoobo waxaan waxba uga suuroobeynin.
Waayo Heshiisyada ay wada galeen Somaliland iyo Ethiopia waa Heshiisyo Laba Diwladood ay wada galeen . Meel kaaga banaanina ayna jirin Intaasina Fadeexad iyo Fashilaad kuugu filan Ee ku Noqo Gurigaaga Gubanaya, Ee Xasuuqu ka socdo kuna Dadaal sidii aad ku Bakhtiin lahayd ama aad Kula heshiin lahayd kuwa aad is dileysaan.
Ummadda Reer Somalilandna waxaad u Caddeysay in Cadowga kaliya Ee ay leeyihiin yahay Maamulka aad Maxdaxda aad ka tahay.
Ali Mahamed Waranade