Xayiraado Laga Qaadayo Dalka Maali

Maali(Qaran)-Ururka dhaqaalaha iyo lacagta ee galbeedka Afrika (UEMOA) ayaa go’aansaday in uu qaado xayiraadii uu saaray dalka Mali.

Dalka Mali hadda waxay dib ugu biiri doontaa hay’adaha dunida iyo hay’ada UEMOA, ururka lacagta ayaa ku sheegay dhamaadka shir madaxeedka caadiga ah ee lagu qabtay Guinea-Bissau.

Militariga Mali ee hadda talada haya ayaa afgambi ku qabsaday bishii Sideedaad, 18, 2020 iyo kii labaad ee May 2021, taasoo kicisay cunaqabatayn ka dhan ah dalka oo ay ku soo rogeen hay’ado goboleedyo kala duwan.Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika wax tafaasiil dheeri ah kama bixin ka qaadista xayiraadda Mali ee war-murtiyeedka.

Shir madaxeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay doorashada madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu oo loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS.Wuxuu bedelayaa dhigiisa Guinea-Bissau Umaro Sissoco Emb