Xalay, Hindiya waxay Pakistan ku eedaysay inay saddex ka mid ah saldhigyadeeda millatari ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, eedeyntaas oo Islamabad ay beenisay.
Ciidamada Hindiya ayaa Khamiistii sheegay inay fashiliyeen isku daygii Pakistan ay ku doonaysay inay ku weerarto saldhigyadooda ku kala yaala Jammu iyo Udhampur, oo ka tirsan Kashmirta ay Hindiya maamusho iyo Pathankot oo ka tirsan gobolka Punjab ee Hindiya.
Qaraxyo ayaa fiidnimadii Khamiista laga soo sheegay magaalada Jammu ee ka tirsan Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho.
Wasiirka difaaca Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka dambeyn weerarka. “Waan beeninaynaa, waxba ma aannu sameyn ilaa hadda,” ayuu yiri Khawaja Asif oo la hadlay BBC-da, isaga oo intaas ku daray: “inta aan weerar qaadno hadane ma dafiri doono”.
Weerarada iyo duqeymaha ka dhacay xuduuda labada dal, ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo in uu qarxo iska horimaad balaaran oo dhex mara wadamadan leh hubka Nukliyeerka.
Bbcsomali