Waxaa la gaaray heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iran si loo soo afjaro colaadda ka taagan Bariga Dhexe.
Sidoo kale, labada dal ayaa weli wada hadallo ka socda si loo hirgeliyo heshiis rasmi ah oo joogto ah, kaas oo la filayo in lagu dhammeeyo 60-ka maalmood ee soo socda.
Iran iyo Maraykanka ay midba midka kale ku eedeynayaan in uu jebiyey heshiiskii xabbad-joojinta, isla markaana ay weerarro is-weydaarsaday.
Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegtay in markab shidaal sida uu ku dhacay madfac aan la aqoon oo lagu weeraray marinka Hormuz.
Horaantii, Iran waxay sheegtay in ay weerartay bartilmaameedyo la xiriira ciidamada Maraykanka, taas oo jawaab u ahayd weerarro Maraykanku ku qaaday xarumaheeda ilaalinta xeebaha.
Iran ma aysan caddeyn halka ay weerarradu ka dhaceen, balse Baxreyn oo martigelisa Ciidanka Badda ee Maraykanka ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay weerar drone ah oo Iran ay ku qaaday dhulkeeda, taas oo ay ku sheegtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo dhulkeeda.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanku ay beegsadeen keydadka gantaallada iyo drones-ka Iran, iyo sidoo kale xarumaha radar-ka xeebaha.
Si kastaba ha ahaatee, Ebrahim Azizi, oo ah madaxa guddiga amniga qaranka ee baarlamaanka Iran, ayaa baraha bulshada ku sheegay in Maraykanku “markale weeraray Iran xilli ay socdeen wada-hadallo.”
Wuxuu sidoo kale ku daray in “jebinta xabbad-joojintan aan taxaddarka lahayn, sida caadiga ah, ay keeni doonto dib u gurasho iyo qoomamo dhankooda ah.”
Weerarkani wuxuu yimid kadib markii Donald Trump uu Iran ku eedeeyay waxa uu ku tilmaamay “jebin doqonnimo ah” oo heshiiska xabbad-joojinta ah, isla markaana uu sheegay in Iran ay ugu yaraan afar drone ku weerartay maraakiib ku sugnaa Strait of Hormuz.
Dhacdooyinkan waxay daba socdaan kadib markii markab ganacsi oo laga leeyahay Singapore oo ku safrayay calan Singapore uu ku dhacay madfac meel koonfur-bari ka xigta dekedda Dahit ee dalka Cumaan Khamiistii.
Horey, Ilaalada Kacaanka Iran waxay ka digeen in “markab kasta oo mara waddo aan la oggolayn uu noqon doono mid aan la aqbali karin oo khatar weyn leh,” waxayna ku boorisay maraakiibta inay la xiriiraan Iran.
Kadib weerarkii lagu qaaday markabka, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay ayaa hakisay qorshihii lagu doonayay in lagu daadgureeyo in ka badan 11,000 oo badmaaxayaal ah oo ku xanibnaa marinka maraakiibta tan iyo bilowgii dagaalka.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa uga digay Iran in ay la kulmi doonto “gacan-ka hadal” haddii ay sii waddo weerarrada.
Digniintan ayaa timid kadib markii ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen in ay weerareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran, taas oo jawaab u ahayd weerar Iran ay ku qaaday markab ganacsi.
“Iran waxa ay saxiixday heshiis xabad joojin ah, waana ku adkeysanay” ayuu Mr. Vance ku soo qoray bartiisa bulshada ee X. “Haddii ay isku khilaafaan qaabka loo dhaqangelinayo heshiiska, waxay naga qaban karaan taleefoonka oo ay na soo waci karaan, laakiin gacan-kahadal waxaa laga bixin doonaa jawaab.





