Badiba xildhibaanada gollaha wakiilada ayaa kulan balaadhan oo ay caawa isugu yimaadeen magaalada Hargaysa waxa ay go’aan ku gaadheen in xil ka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne Muuse hadii uu dib ugu celiyo golaha guurtida go’aanadii lagu galaayay doorashooinka isi saaran ee ka soo dhamaaday labada gole ee ay tahay in uu isagu saxeexo.
Maalinta bari ah ayaa golaha wakiilada la galiyay fasax .

Waxa a shir gudoonka golaha wakiiladu ay maalinta bari ab la kulmayaan oo u tagayaan madaxweynaha si arimha xaasaasiga ah ay ugala hadlaan.

Somaliland oo ku soo caana maashay isu tanaasul iyo wada tashi arinkaasi ayaa gabi ahaanba burburay, waxana xaalku u eegyahay in galaayo meel madow oo ay adagtahay meel laga soo qabto.
Waxana arinkani uu dhaawac weyn u gaysan karaa heshiisyada ay Somaliland oo wada jirtaa ay la gaadhay dalka Itoobiya. Waxan iska hor imaadkani sharci ee ka dhex qarxay golayaasha Somaliland uu sababi karaa xasilooni daro hadii arimha doorashada aan xal waara laga gaadhin.

Badi xilldhibaanada golaha wakiilada ayaa ah kuwo ka soo jeeda xisbiyada mucaaridka waxa sidoo kale jira xildhibaano ka tirsan xisbiga xukuumadda oo arimaha doorashooyinka isi saaran in la qabto kala fikrad ah xisbiyada mucaaridka isla markaasina kulankii kan ka horeeyay ee ay xildhibaanadan aqlabiyda ahi ka soo dhex muuqday.

Somaliland ayaa daris la aha Somalia oo cadaw u ah jiritaanka Somaliland iyo dadkeedaba iyo sidoo kale dalka Jabuuti oo ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland.