Xildhibaan Casoowe oo ka hadlay labadii Fikradood ee ku Tartamay Wakiillada
Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Axmed Xasan Cali Casoowe oo laga soo doortay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inuu u coddeeyay xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo uu xusay inuu metalayey dadka doonaya in xal wada hadal lagu dhammeeyo colaada Laascaanood.
Xildhibaan Casoowe wuxuu sheegay inay dadkii waday Guddoomiye Faratoon ay ahaayeen dhinaca aaminsan in qori caaradii lagu xaliyo khilaafka Sool, isna uu arrintaas ka soo horjeedo.
Sidoo kale waxa uu ku dooday in murrashax Maxamed Khadar ay wadeen dhinacyada aaminsan in xal wada hadal ku dhisan lagu furdaamiyo qaddiyadda Sool taasi oo uu isagu u taagan yahay.
Xildhibaan Casoowe wuxuu sheegay in dad badani ku haaraameen inuu ka leexday oo aanu u coddayn Guddoomiye Faratoon oo ay isku gobol ka soo wada jeedaan.