Alle qabriga haw nuuro marxuum xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo hargeisa ku geeriyooday.
Xildhibaanka ayaa maalmihii u dambeeyay u jiifay dhaawac ay gaadhsiisay haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado oo ku qaraxday isaga iyo xubno qoyskiisaa.
Waxaana hore ugu geeriyooday dhaawacaasi haantu sababtay laba dumara oo xaaskiisu ku jirtay halka weli dhaawac kalena jiro Alle haw booga dhayee.
May be an image of 1 person
Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka shabakada Qarannews.com,  wax ay tacsi u dirayaan dhamàan reer Farxaan Ciise Ubaxle gaar ahaan waxa aanu tacsi gaar ah u diraynaa Dr. Maxamed Farxaan oo uu marxuumku ahaa aabahii.
Waxa aanu marxuumka Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin