Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo Jawaab ka bixiyay Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Gurjuuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay geli karto heshiis laakiin ay munaasib tahay in laga eego dalka.
Xildhibaan Guruuje wuxuu tilmaamay in heshiiskani uu iman doono golaha wakiillada oo halkaasi ummadda lagaga eegi doono waxtarkiisa iyo ahmiyada uu dalka u leeyahay, waxaanu tilmaamay inay Somaliland geli karto heshiisyo kala duwan oo ay caalamka la gaadho.
“Xukuumaddu way geli kartaa heshiis iyadoo metalaysa Somaliland, kan Itoobiyana wuxuu ka mid yahay uun heshiisyada caalamiga ah, markaa waxa la keeni doonaa Golaha Wakiillada si aanu ummada uga baadhno ahmiyadiisa iyo waxa rasmiga ah ee lagu heshiiyay,”ayuu yidhi Xildhibaan Guruuje oo maanta warbaahinta ugu warramay Hargeysa,
Sidoo kale, wuxuu naqdiyay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu yidhi “Xasan Sh. Maxamuud ma diidana in Itoobiya heshiis lala galo, waxase markii uu hadlayay yidhi haddii ay doonayso deked Itoobiya maaha inay Somaliland soo marto ee waxa ay ahayd inay xagayaga soo marto. Markaa wuxuu hadalkiisu u dhigan yahay maxaa naloo soo mari waayay.”