Xildhibaan ka Tirsan Guurtidda oo Walaac ka Muujiyay Sansaan Colaadeed oo ka Aloosan Awdal iyo Selel
Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalad saansaan dagaal oo ka soo cusboonaatay gobolka Selel, waxaanu sheegay xaalada jirta awgeed in aanay xabaduuni qoriga ka bixin.
Geesta kale xildhibaan Xareed waxa uu ka dayriyay in xubno ka mida golaha wasiirrada iyo masuuliyiin dowladdeed ay goob joog ka ahaayeen shir lagu soo saaray go’aamo lagu farayo beelo kale inay si deg dega uga guuraan degaanadooda, taas oo keeni karta isku dhac beelo walaalaha ah ee halkaasi wada dega.
Dhinaca kale waxa uu xildhibaanada golaha guurtida iyo xukuumadda ka codsaday inay fadhiga ka kacaan oo aanay eegan saansaanta xaalada colaadeed ee laga abaabulayo gobolka Selel iyo degaanada hoos yimaada, waxaanu sigaara xukuumadda u faray inay tallaabo ka qaado masuuliyiinta qaybta ka ah isku dhaca bulshada walaalaha ah.
Waxaanu yidhi.“Dalka waxba ka socda waxaad mooda guud ahaanba in dadku rabshad u baahday, dhib dhacda iyo dagaal dhaca, barri wixii ka jiray waynu ognahay, degaanada Cali Saahid iyo Ceel-afweyn golaha ayaa xalkeedii ku jira, hadda Galbeed dhibaato ayaa ka jirta, waliba maalmahan soo cusboonaatay, mudana aad moodaysay inay socoto.
Dhulka hadda lama degin, dadkana imika laguma beerin, waligeedna sidaasi uunba loo degana, Qabaailkuna waligii ayuu wada degana, meel uuwada degan yahay iyo meel ku kala soocan yahayba.
Habeenadan waad maqlayseen fariimaha ka imaya Galbeed, mid ka mida beelaha Somaliland ayaa degaanka Jidhi ku qabsatay Shir, beelihii kalena xalay ayay hadleen, arrimuhuna marka ay halkaasi gaadhaan waxa ku xigaa waa in ay wax dhacaan.
Beryahan danbe waxaad mooda in wanaagba aan la rabin, waxa ka socda baraha bulshada, guubaabo, fidno, dagaal, waxaan moodaday 30-ka sano inaynu kornay.
Muwaadinku waddanka meeshi uu doono ayuu ka degi kara, haddii aanu sharcigu ka reebin oo aanay meelo gaara ahayn, imikana dhulkii ayaa la kala sheeganaya oo digniin ayaa la isa siinaaya la leeyahay, ‘hadaydaan sacadaha noocaasa kaga guurin wixii dhaca weydun arki.
Beelba degaanka Jidhi shir ku qabsatay go’aan ayay soo saareen, masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa fadhiyay, oo markii go’aanada lagu dhawaaqayay ka eegayay, xalayna kuwii kale ayaa ku hanjabayay yaanu gabalku kaadhicin, waxa halkaasi ka socda xabadu qoriga caaradiisa uunbaanay ka bixin, taasi waxaan leeyahay haddii golaha aynu nahay iyo haddii xukuumadda aynu nahayba, sidii wax looga qaban karayo waa in looga qabto.
Dowladdu way og tahay oo wasiiro ayaa joogay shirarka hurinta colaada beelaha lagaga hadlayay oo dhageysanayay, dad masuuliyadii ay Qaranka u hayeen reernimadu kala wayn tahay, waxaasi wax la eegan karo ee waa in tallaabada ku haboon ay ka qaado”