Xildhibaan Sheegay inay Xeerka Doorashada loo Dhiibay Ciyaal Ururrada siyaasadu soo direen
Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa sheegay in guddida Guurtidu u saartay xeerka doorashada isa saarka ah ay ku jiraan ciyaal ii sheegay inay guddida ku soo darsadeen ururrada siyaasiyaddu.
Cumar Nuur Waaye wuxuu sheegay in aanu guddidaasi aanu ka sii mid ahaanaynin maadaama oo ay xeerkii ka run sheegi waayeen inay soo hordhigaan Golaha.
Xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Guurtidda inuu qaab fowdo ah u hoggaaminayo Golaha Guurtidda.