Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaannada labada xisbi mucaarid iyo Ururka KAAH ee Golaha wakiilada waxay saaka sameeyeen dhoolatus awoodeed .
Bilowgii Fadhiga waxaa mar qudha ka dareeray xildhibaanada Xukuumadda Muuse Biixi taageera si aanu kooramku u furmin , balse taasi wax caqabad ah may keenin .
Xildhibaanada mucaarid oo kaliya ayaa kooramkii buuxsadey iyagoo kor u dhaafay 50 Muddane .
Intaas kadib Xildhibaanada aqlabiyada Mucaaridka ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey in fadhigii saaka lagaga doodo xaalada guud ee dalka, taas oo ilaa Sabtida sii socon doonta .
Kal-fadhigan saaka ee Golaha wakiilada waxaa kaliya oo joogey Xildhibaanada mucaaridka oo ka badnaa 50 Xildhibaan , waxaana Golaha ka dareeray Xildhibaano kooban oo daacad u ah Madaxweyne Muuse Biixi.
Ileysnews