Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Sweden oo Taageeray Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya
Hargeysa(Qaran news)-Xubno kamid ah Baarlamaanka Sweden ayaa taageeray Heshiiska Is-fahan ee Somaliland Iyo Itoobiya.
Xildhibaannadu waxa ay warqad u qoreen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Tobias Billström.
Waxa kaloo ay weydiiyeen inay Sweden qaadato door muhiim ah oo ay aqoonsato Baasaboorka Somaliland.
Waxay sheegeen in Itoobiya noqotay dalkii u horreeyay ee ku dhiirata inay ballan qaaday inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, marka dhawaan is fahamka labada dal ksla saxeexdeen loo beddelo heshiis rasmi ah oo la shaacin doono.