Xildhibaanno ka tirsan golaha congresska maryakanka oo Qoraal Somaliland u Dan ah u Qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaanno ka tirsan golaha congresska maryakanka oo uu hormuud u yahay xildhibaan Micheal McCaul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga sidoo kalena madax ka ah guddida arrimaha dibedda ee golahaasi ayaa waraaq u qoray xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken, taasoo ay kaga dalbanayaan in kor loo qaado isla markaana la xoojiyo xidhiidhka Maraykanku La leeyahay Somaliland.

Xildhibaannadan ayaa ku boorriyay maamulka madaxweyne Biden inuu mudnaanta siiyo xidhiidh qotodheer oo somaliland lagala yeesho danaha ay labada dhinac wadaagaan sida diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Waxa ay sheegeen in goobta istraatijiyadeed ee ay somaliland kaga taallo qoorriga cadmeed, sida ay addduunyada ugala shaqayso la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda iyo khataraha kale ee amni ee gobolka iyo waliba xidhiidhka ay la leedahay Tawian inay Ku dhiirri galinayaan Maraykanka inuu raadiyo fursado kale oo uu kula shuraakoobi karo Somaliland.

Waraaqdan ay xildhibaannadu u direen xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykankana ayaa ku tilmaameen in dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay geeska Afrika sida xaaladda Suudaan iyo is qabqabsiga siyaasadeed ee Somalia oo iyaduna soo xoojisay dhaqdhaqaaqyadii Al-shabaab ay Maraykanka ku qasbayso inuu dib uga fikiro Istaraatijiyadda uu kula dhaqmo geeska Afrika si uu wax uga qabto caqabaha baaxadda leh iyo khataraha ku gadaaman danaha Maraykanka ee gobolka.

Waxa la yidhi somaliland waxa ay si madax bannnaan u shaqaynaysay 30kii sano ee u danbeeyay, waxaanay si iskeed ah u maamulaysay amnigeeda, hannaankeeda dhaqaale iyo xidhiidhadeeda ganacsi.

Dalal badan oo gobolka ka tirsan, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa xidhiidho diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi la leh Somaliland.

Dalal badan ayaa sannadkii hore kor u qaaday xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland sida Itoobiya oo wakiilkeedii Somaliland kor u qaadday darajada Safiir halka Kenyana ay xafiis diblomaasiyadeed ka furatay sannadkii hore.

Sidoo kale Ingiriiska, Midowga Yurub, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa xafiisyo wakiileed ku leh Somaliland.

Xildhibannadan ayaa waraaqdan ku faahfaahiyay sida wada shaqayn istaraatijiyadeed oo Marayakanku la yeesho Somaliland ay ula miisaan noqon karto maalgashiga sii kordhaya ee Shiinuhu ka wado geeska Afrika.

Jabuuti oo muddo badan saldhig u ahayd hawlgallada millatari ee Maraykanka ee mandaqadda ayaa hadda noqotay meel nugul oo aan laysku hallayn Karin, iyada oo shiinuhu saldhig ku yeeshay sannadkii 2017 meel 8 Mayl oo kaliya u jirta saldhigga Maraykanka ee Camp Lemonnair.

Sannad kadib laba ka mid ah duuliyayaasha maraykanka ayaa dhaawac ka soo gaadhay dhaqdhaqaaqyada ay samaynayeen ciidamada Shiinuhu, taasoo hoosta ka xarriiqday khatarta ay wajahayaan hawlgallada maraykanka ee gobolku.

Sidaa daraddeed waxa lagama maarmaan in dawladda Maraykanku raadiso goobo kale oo Istaraatijiyadeed sida dekedda magaalada Berbera ee dib u habaynta lagu sameeyay iyo madaarkeedaba si Maraykanku gaadh uga hayo danihiisa dhaqaale iyo kuwa amni ee mandaqadda geeska Afrika.

Somaliland waxa ay inna tustay bisayl dimuqraaddiyadeed kaas oo si joogto isaga caabbiyay faragalinta Shiinaha waan meel Maraykanku isku hallayn karo joogitaankeeda.

Somaliland waxa ay sidoo kale xidhiidh laba geesood ah la samaystay Taiwan sannadkii 2020, waxaanay labada dhinac muddo yar kadib is weydsaarsadeen safiirro, iyada intaa wixii ka daneeyayna samaystay xidhiidh adag oo iskaashi ku dhisan. Sidaa daraadded Maraykanku waa inuu qaadaa tallaabooyin uu ku taageerayo xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland Iyo Taiwan.

Xildhibaannadan ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Maraykanka ay mudnaanta koobaad u tahay xoojinta dimuqraaddiyadda iyo kor u qaadidda xidhiidhka saaxiibada dimuqraaddiyadda, sidaa daraaddeedn ay somaliland soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay qabato doorashooyin nabad ah, lagu kalsoonana karo isla markaana loo tartamo.

Doorashooyinkii Somaliland ee sannadkii 2021 ayaa lagu yidhi qoraalkan waxa ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay adduunyada ee loo adeegsado sawirka bu’da Isha ee loo yaqaanno Biometric Scan.

Xildhibaannada ayaa qoraalkooda ku sheegay oo yidhi innaga oo haddaba maskaxda ku haynna arrimahan amni dhaqaale iyo siyaasadeed waxaanu ku dhiirrigalinaynnaa maamulka Madaxweyne Bide inay kordhiyaan wada shaqaynta diblomaasiyadeed ee Maraykanku la leeyahay madaxda Somaliland isla markaana ka Maraykanku xafiis ka furto.