Waxaa si rasmiya caawa ugu biiray xisbiga WADDANI xildhibaano, Xildhibaan Eng Saleeban Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada JSL , Maayir ku xigeenkii hore oo degmadda Burco Dr. Mukhtar Cabdi Baaryare iyo Xildhibaan Khalid Xassan X . Diiriye oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco .
Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye , waxaana ay caawa si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI .
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyey inay ku soo biraan xisbiga wakhti aad loogu baahanyahay cududooda iyo garab istagooda xisbiga.