Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga Koonfur Afrika ee ANC oo kala Saxeexday Heshiis.
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuulin heerkoodu sareeyo oo ka socda Xisbiga ANC iyo Dawladda Koonfur Afrika ayaa sida wada jir ah u kala saxeexday heshiish iskaashi oo dhinacyo badan leh, sida maalgashiga, Kaluumaysiga, Macdanta iyo Tamarta.
Labada Xisbiga ee KULMIYE iyo ANC ayaa waxaa kala hoggaamiya rag soo halgamay, waana laba Xisbi oo wax badan wadaaga,iyadoo labada Xisbiga ay waxyaabo badan iska kaashan doonaan.