Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iska dhogo tiray go’aankii ganaaxa ahaa ee ay 3 cisho ka hor ay soo saareen Gudida anshax marinta doorashooyinka, kaasi oo mamnuucaayay in xisbina uu qabsado wax xaflad ah ka hor ololaha xisbiyada loo asteeyay.

Hadaba sida ku cad sawiradani iyo muuqaalo la baahiyay waxa 17/10/24. Gabiilay ka qabsoontay xaflad ay madaxda ugu saraysa ee xisbiga Kulmiye ka soo qayb galeen taasi oo qaybo ka mid ah beesha reer Xareed ee Jibriil Abokor ay sheegeen in ay taageero ugu muujiyeen xisbiga Kulmiye.

Madaxda xisbiga Waddani ayaa doraad baajiyay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhaci lahayd degmooyinka Sabawanaag iyo Cadaadley.

Hadaba hadii Gudida anshax marinta doorashooyinka ee Somaliland aycarinkani talaabo ka qaado waayaan waxa loo arkayaa in ayna arimaha doorashooyinka ayna dhex ka ahayn.


Halkan hoose ka daawo hadalkii gudiga anshax marintu soo saaray.