Xisbiga UCID oo ka Warramay Wufuud ay la Kulmeen

Hargeysa(Qaran news)- Masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaa la kulmay wufuud caalamiya oo dalka timi.

Sidaasna waxay ku sheegeen qoraal ay soo saartay UCID oo u dhignaa sidan:-

“Masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa maanta magaalada Hargaysa kula kulmay wafti ka socday qaramada Midoobay iyo Dalka UK.

Waftigan ayaa waxaa kala hogaaminayay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Safiirka Dawladda Ingiriiska Mr Michael Nithavrianakis iyo masuuliyiin kale oo wehelinayay.

Waxaana labada dhinac kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan, arrimaha Bariga, Doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Masuuliyiinta xisbiga UCID ka socotay, ayaa kala ahaa, Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseen Ciise, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur(Shiine) Iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal.”