Xisbiga UCID oo soo Dhaweeyay Go’aamadii Ergada
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go ‘aankii xalka ahaa ee ay soo saareen ergadii beesha Habarjeclo.
Faysal wuxuu tilmaamay in go’aankaas ay sidiisa u qaadanayaan, wuxuuna xusay inay xal u tahay khilaafka dalka.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka oo la isgarab taago ciidanka Qaranka. Waxaanu maanta hadlay isagoo xidhan Tuute Ciidan.