Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyijn Kale Xisbiga Ah ayaa kullan soo dhaweyn ah ku qaabilay Siyaasiyiinta, wax-garadka, aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada Beelaha Guullane iyo Sheekh Cismaan (ARAB) kuwaas si rasmi ugu Shaaciyey dhisitaanka Xisbiga Rajada Shacabka Soomaliland WADDANI.
Kullankaas oo ahaa mid ka qabsoomay hoyga Musharraxa Madaxweyne Dr Cabdirxamaan Cirro ayaa ahaa mid saacado qaatay, waxaanay hoggaanka Xisbiga uga mahadceliyeen Beelaha Guullane iyo Sheekh Cismaan, cudduda ballaadhan ee taageero ee ay ku soo biiriyeen Xisbiga WADDANI














