Xisbiga Waddani oo Beeniyay Dallad la Sheegay inay ku Biirtay KULMIYE

Hargeysa(Qaran news)-Ma jirto dalad magaceedu yahay Sama-wade oo ka tirsanayd ama ka diiwaangashanayd Xisbiga WADDANI oo ku biirtay Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye waxa had iyo goor u caado ah inay sameeyaan magacyo iyo abaabul been ah, si ay uga nafisaan culayska cid iyo ciirsi la’aaneed ee haysta.

Daladaha katirsan Xisbiga WADDANI waa kuwo leh diiwaan rasmi ah oo ay ku kaydsanyihiin macluumaadkoodu, mana aha wax laga been abuuran karo. Xisbi ahaan aad baan iskala hanwaynnahay inaanu isku maaweelino taageerayaal aan jirin iyo samaysiga magacyo dalado been ah.

“Haddaad jamato geed adag
Oonad heyn wax kuu jara
Jebin mayso gacantuye
Haku daalin, jeedaal” – Cabdi Qays –
– Abdirahman Ismail Hussein.
Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Xisbiga WADDANI.