Xisbiga WADDANI oo Bogaadiyay
Haweenka Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran ee xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Kayse Faarax ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay haween weynaha Somaliland iyo guud ahaan haweenka adduunka maalinta caalamiga ah ee haweenka loo asteeyay ee 8 Maarij awgeed.

Guddoomiyaha ayaa Haweenka u rejaysay in ay Sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabad qab, horumar iyo barwaaqo siina laban laabaan dadaalkooda kaalinta ay kaga jiraan bulshada.

Marwo Foosiya ayaa si gaar ah haween weynaha Xisbiga WADDANI ugu bogaadisay doorka ay ka qaataan hawlaha xisbiga kuna boorrisay in ay sii kordhiyaan hawl qabadkooda maaddaama sanad doorasho lagu jiro.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn mustaqbal fiican u rejaysay haweenka.