Xisbiga WADDANI oo ka Deyriyay Dayaca Xukuumaddu Baday Dadka kelyuhu Fadhiisteen

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Arrimaha bulshada Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa ka dayriyay bukaanka kelyuhu fadhiisteen oo aanay cisbitaallada dawladdu wax adeeg ah u haynin.

Wuxuu xusay dayacaadaas ay masuul ka yihiin hoggaanka dalka cidda ku magacaaban.

Mr. Dhamme wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu baahiyay oo u dhignaa sidan:-

“Waxaanan Caawa ka seexan karin murugadeeda Bukaanka Kelyuhu fadhiyaan ee Cusbitaalada Dalka oo aan adeeg loo hayn, qof kastoo u geeriyooda Dayacaad waxa Alle weydiin doonaa cidda leh masuuliyaddaa, labadii bilood ee u danbeeyay waxa go’naa qalabka Kelliyo safeyaha macmalka ah (artificial kidney dialysis) Bukaanada Kelyuhu fadhiyaan waxay ku sugan yihiin Dayac weyn iyo khatar nololeed, iibka Qalabka loogu Shaqeeyo dadka Kelyuhu fadhiyaan waa arrin khatar ah (national security)

8 April 2024 waxa Dalka Hindiya laga keenay 96 Xabbo oo ah (artificial kidney dialysis) oo loogu shaqayn karo 96 Bukaan oo berri ku eeg, Horraantii bishii saddexaad Cusbitaalka Boosaaso waxa laga soo daynsaday 6 Kartoon, Cusbitaal Hargeysa kuyaal oo gaar loo leeyahay waxa isna laga soo deynsaday 10 Kartoon, Cusbitaalka Jigjiga waxa laga soo deynsaday 18 Kartoon, waa xaalad khatar ah, Cusbitaalka Hargaysa wuxuu wadaa naf-hur iyo dadaal iskii ah, khatartu waa in Shirkad gaar ah Mashruucani u xidhan yahay Tobaneeyo Sano.

Waxa iyana warwarkeeda leh in Dialysis catheter kits Suuqa ka maraayo $55 iyadoo uu kor usii kacaayo, Agabkan waxa keena hal meherad, Bukaanada waa ku culays waxaanay waajib ku tahay in laga soo iibiyo Boqollaalka kun ee doolar ee Miisaaniyadda ku jira oo aan Bukaanka la saarin culays, Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo cid kastoo ay qusayso waxaanu ugu baaqaynaa in aan la eegan Masiibadan sababi karta Geerida Bulaanada Kelyuhi fadhiyaan ee loogu safeeyo Cusbitaalada Hargaysa, Burco iyo Boorama.”