Xisbiga WADDANI oo ku Dhaliilay Xukuumadda Debdamis yarida ka jirtay Wajaale

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay hal debdamis oo yari uu ka shaqeeyo magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee suuqeedii xalay gubtay.

Xoghaye Khadar oo ka hadlayey magaalada oo ay saaka booqdeen ayaa sheegay in xukuumaddu aanay wax cashar ah iyo feejignaan ah ka baran suuqii Waaheen ed gubtay laba sanno ka hor; wuxuuna dayacaad ku sifeeyay in gaadhi qudha oo debdamus ahi uu ka hawlgalo magaalada Wajaale oo ah xuddunta ganacsiga Somaliland.

Khadar Xuseen wuxuu ugu baaqay xukuumadda in baadhis madaxbannaan lagu sameeyo asbaabaha suuqu u gubtay. Iyadoo xukuumaddu aanay hore wax natiijo ah uga soo saarin sababtii keentay dabkii baabiiyay suuqii Waaheen ee caasimadda Hargeysa.

Ugu dambayn wuxuu iilaahay uga baryay dadka hantidoodu ku gubatay Wajaale inuu siiyo cawad celin degdeg ah.