Hargeisa,(Qaran news)- Madaxdada sar sare ee xisbiga Waddani oo uu hor kacaayay musharaxa xisbigaasi Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay wafti ka socday Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Danjiraha Midowga Yurub, Danjire Marwo Karin Johansson.

Hadaba kulankaasi kadib waxa ka warbixiyay musharaxa xisbiha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro waxan qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook uu qoraalkiisa ku bilaabay sidan hoos ku qoran

Waxa aan maanta kulan hadhimo sharafeed ah la yeelannay Danjiraha Midowga Yurub, Danjire Marwo Karin Johansson iyo wefti ay hoggaaminayso oo booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Danjire Johansson, waxa aannu si qoto dheer uga sheekeysannay dhinacyada arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee maamlmaha dhow dalka ka qabsoomaya haatanna maraya Ololihii iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay, dhanka kale, waxa aan si xog-ogaalnimo leh uga sheekeysannay arrimaha mandaqadda geeska ka aloosan ee dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiyada leh.

Ugu dambeyn, waxa aanu Danjiraha iyo wefdigeeda uga mahadcelinnay kaalinta midowga yurub ka geystaan taageerada ay u fidiyaan Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo taageerista dimuqraadiyadda la xidhiidha.0