Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in aanay aqbali doonin muddo kordhin dambe oo madaxweyne Muuse Biixi kursiga ku sii fadhiyo.
Sidaasna waxa shaaciyay Xoghayaha Guud ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, waxaanu ku dooday in magacii iyo sumcadii Somaliland ay dhulka gashay oo uu jabiyay ciidammadij Qaranka suurtogalna aanay ahayn inuu kursiga ku sii fadhiyo qofkii waxaas sameeyay.
“Muuse Biixi 2022-kii wuxuu qorshaha muddo kordhinta ka dhigtay ururradii, qorshaha muddo kordhinta maanta uu ku doonayana waa dhiig iyo nabad galyo darro,” ayuu yidhi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi waxaanu caddeeyay in taageereyaashoodu ay mudaharaadyo waaweyn ka dhigi doonaan dalka haddii la isku dayo in dib loo rido.
Khadar Xuseen wuxuu madaxweyne Muuse Biixi ku wargeliyay in aanu dhimanayn haddii uu xilka ka dego, wuxuuna ku booriyay
inuu u sii diyaar garoobo nolosha ka dambaysa madaxweynenimada.