Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa madaxweynaha xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoyga guddoomiyaha kulan balaadhan kula qaatay dhalinyaro aqoonyahan iyo haween ka soo jeeda gobollada Togdheer, Sool iyo Saaxil ee beesha Maxamed Yonis ee Habarjeclo

Waxgaradka beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan

Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda. Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda.