Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Cambaareeyay 380 Bilyan oo Shilin oo ay soo daabacayso
Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga WADDANI ayaa walaac ka muujiyey 380 Billion Somaliland Shilling oo in la daabaco xukuumaddu qorshaynayso.
Xoghayaha Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” ayaa qorshahaa ku sheegay ‘sharci darro’
Xoghayuhu wuxuu ka digay in sicir bararka iyo sarif bararku ka sii darayaan haddii lacag cusub oo la soo daabacay xukuumaddu suuqa geliso.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay ka noqdaan daabacaadda lacagtaas.
Sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed uu soo saaray oo u dhignaa:-