WADDANI oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Dhaqaale xumo ee Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhaqaalaha dalka.
Sidaasna waxa sheegay Xoghaye kuxigeenka Ganacsiga Waddani Cabdirashiid Saleebaan oo maanta warbaahinta la hadlay, wuxuuna yidhi
“Xisbi ahaan waxaanu walaac wayn ka muujinaynaa xalaadda dhaqaale ee adag ee uu dalku galay. Waxa kacay ganacsiyo badan oo iskugu jira kuwo dhexe iyo kuwo yar yar, noloshii bulshadu waxay maraysa meel adag , busaaraddii iyo baahidii dadku way sii bateen. Xukumadda joogta ma aha mid ka naxaysa duruufaha danyarta haysta.”
“Xalka Somaliland haday noqoto camal la’aan, dhaqaale xumo iyo amni intuba waxay ku jirtaa in dalka doorasho ka dhacdo, xadhigga cabudhinta iyo caga juglayntu inama baqa galin doonto waxaynu ku cel celinaynaa doorasho iyo nabadgalyo.”ayuu yidhi Xoghaye kuxigeenka ganacsiga Mudane Cabdirashiid Saleebaan