Xoghayaha WADDANI oo Muuse Biixi ku Eedeeyay inuu dalkii kala Kaxeeyay
Hargeysa(Qaran)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu dalka ka meel xun ka tuurayo.

Waxaanu sheegay in waddankii middaysnaa ee lagu wareejiyay uu maanta ku dambeeyay dagaalo sokeeye, qax iyo barokac qayb ka mid ah shacbiga

โ€œIyada oo bariga Somaliland dagaal ka socdo in maantana Gacan Libaax jabhado ka abuurman waxay ku timid talo xumada Muuse, wakhti dheer baanu ku talinaynay in la raaco sharciga dalka,โ€ayuu yidhi
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghaye Khadar wuxuu sheegay in Muuse Biixi sharcigii dalka maqluub u rogay oo uu diiday doorashooyinkii isla markaana xalaashaday xadhiga iyo tacadiyada bulshada.