Xoghaye Dhamme oo ka Hadlay baahi ka jirtay Cisbitaalada dawladda oo wax laga qabtay

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in qalab kelyaha ah oo ka go’naa cisbitaalada dawladda la keenay.

Dhamme ayaa hore walaac uga muujiyay in qaybaha kelyo sifayntu ay cisbitaalada qaarkood qarka u saaran yihiin inay istaagaan.

Qoraal uu soo saaray maanta Xoghaye Dhamme ayaa u qornaa sidan:-
“Alle mahadii waxa la keenay Shalay qalabkii go’naa labada bilood ee loogu adeegayay Bukaanka Kelyaha loo Sifeeyo ee ahaa Kelliyo safeyaha macmalka ah (artificial kidney dialysis) Agabkan oo adeeg ahaan ku filan Saddex bilood Cusbitaalada Dawladda qaybaha Kelyo Sifaynta (hemodialysis unit) Waxa aan weli la hayn Dialysis catheter kits oo Suuqa ka maraayo $55 Qalabkani Miisaaniyadda Qaranka wuu ku jiraa waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo keeno oo laga dulqaado Culayska Bukaanada Kelyaha loo sifeeyo , Xisbi ahaan waxaanu soo heedinaynaa.

1. In iibka iyo dalbashada Qalbka Kelyo Sifaynta laga wareejiyo Shirkadda Macaashka ka samaysa ee lagu siiyayay jidka aan Sharciga ahayn.

2. In Cusbitaal kastaa u Madaxbannanado Kharashaka Miisaaniyada ee lagu soo iibiyo Qalabka Kelyo Sifaynta oo aan Shirkad Hargysa joogta loo daba fadhiyin.

3. In Agaasimayaasha Cusbitaalada Hargaysa, Boorama iyo Burco ka badhaadheen sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulida Maaliyadda Lacagta ugu jirta Bukaanka Kelyaha loo Sifaayo.

4. In aan suuqa lagu iibin Alaabta Miisaaniyada ku jirta oo aan laga samayn Macaash aanay qaadin karin Bukaanka kelyuhu fadhiyaan.”