Xoghayihii Guud ee urur siyaasadeedka Mideeye ayaa si rasmi ah ugu soo Biiray Xisbiga WADDANI.
Waxa xisbiga ku soo dhaweeyay Musharraxa madaxweyne kuxigeenka ee xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cali Cabdi oo ay weheliyaan gudoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Xoghaye kuxigeenka horumarinta Caafimaadka Mudane Bishaar Mustafe Aadan iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga WWADDANI Mudane Rooble Muuse Xoosh.