WADDANI oo Shaaciyay in Go’aanka Komishanku dhaawac ku yahay Somaliland
Hargeysa(Qaran)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in go’aankii ka soo baxay Komishanku uu yahay mid dhaawac u geysanaya wadajirka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI uu si mugle uga tashanayo go’aanka uu ka qaadanayo dhawaaqa Komishanku ku sheegeen in doorashada Ururradu ay dalka ka qabsoomi doonto 28ka December 2023, halka doorashada madaxtooyadana ay u qoondeeyeen sannad kadib.
Waxaanu tilmaamay in talada ay wax ka siinayaan taageereyaasha xisbiga WADDANI.
Xoghayaha WADDANI Waxa ay u soo jeediyay Taageerayaasha inay sugaan warka iyo mawqifka uu soo saarayo Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).